Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Taariikhdii Labaad 5:2-12 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

2. Markaasaa Boqor Sulaymaan wuxuu Yeruusaalem isugu soo shiriyey odayaashii reer binu Israa'iil, iyo qabiilooyinka madaxdoodii oo dhan, oo ahaa amiirradii jilibyadii reer binu Israa'iil inay sanduuqii axdiga Rabbiga ka soo qaadaan magaaladii Daa'uud oo Siyoon ahayd.

3. Oo raggii reer binu Israa'iil oo dhammu waxay u soo shireen boqorkii wakhtigii iidda ah bisha toddobaad.

4. Oo odayaashii reer binu Israa'iil oo dhammu way yimaadeen, markaasay kuwii reer Laawi sanduuqii axdiga soo qaadeen.

5. Oo way keeneen sanduuqii axdiga, iyo teendhadii shirka, iyo kulli weelashii quduuska ahaa oo teendhada ku jiray oo dhan; oo intaas oo dhan waxaa soo qaaday wadaaddadii reer Laawi.

6. Oo Boqor Sulaymaan iyo shirkii reer binu Israa'iil oo isaga u soo ururay oo dhammu waxay wada joogeen sanduuqii hortiisa, iyagoo ku allabaryaya ido iyo dibi aan la sheegi karin ama aan farahooda la tirin karin.

7. Oo wadaaddadiina sanduuqii axdiga Rabbiga ayay meeshiisii keeneen, oo waxay soo geliyeen guriga qolkiisii quduuska ahaa oo ahaa meeshii ugu wada quduusnayd, taasoo ah keruubiimta baalashooda hoostooda.

8. Waayo, keruubiimtu baalashoodii way ku kor fidiyeen meeshii sanduuqa, oo ku qariyeen sanduuqii iyo ulihiisiiba.

9. Oo uluhuna aad bay u dhaadheeraayeen, sidaas daraaddeed dabadooda waxaa laga arki jiray sanduuqii ka horreeya meesha ugu wada quduusan, laakiinse dibadda kama ay muuqan; oo halkaasuu yaal ilaa maantadan.

10. Oo sanduuqiina waxba kuma jirin labadii loox ee dhagaxa ahayd oo Muuse isagoo Xoreeb jooga ku riday markii Rabbigu axdiga la dhigtay reer binu Israa'iil ee ay dhulkii Masar ka soo baxeen mooyaane.

11. Oo kolkii wadaaddadii ka soo baxeen meeshii quduuska ahayd, (waayo, kulli wadaaddadii joogay oo dhammu way isdaahiriyeen oo milahoodiina ma ay dhawrin,

12. oo weliba waxaa kaloo joogay kuwii reer Laawi oo gabayaaga ahaa oo dhan, xataa Aasaaf, iyo Heemaan, iyo Yeduutuun, iyo wiilashoodii iyo walaalahood, oo waxay soo xidheen dhar wanaagsan, waxayna wateen suxuun laysku garaaco, iyo shareerado, iyo kataarado, oo waxay istaageen meeshii allabariga dhankeedii bari, oo iyaga waxaa la jiray boqol iyo labaatan wadaad oo turumbooyin ka dhawaajinaya, )

akhri dhamaystiran cutubka Taariikhdii Labaad 5