Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Taariikhdii Labaad 33:21-25 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

21. Oo Aamoonna markuu boqor noqday wuxuu jiray laba iyo labaatan sannadood, Yeruusaalemna boqor buu ku ahaa laba sannadood.

22. Oo isna wuxuu sameeyey wax shar ku ah Rabbiga hortiisa sidii aabbihiis Manaseh u yeelay oo kale. Oo Aamoon wuxuu allabari u bixiyey sanamyadii xardhanaa ee uu aabbihiis Manaseh sameeyey oo dhan, wuuna u adeegay.

23. Oo isagu sidii aabbihiis Manaseh uu isu hoosaysiiyey oo kale isuguma uu hoosaysiin Rabbiga hortiisa, laakiinse Aamoonkaas qudhiisu aad iyo aad buu u sii xadgudbay.

24. Oo addoommadiisii ayaa shirqool u dhigay, oo gurigiisay ku dileen.

25. Laakiinse dadkii dalka degganaa ayaa wada laayay kuwii Boqor Aamoon sirqoolka u dhigay oo dhan, oo dadkii dalka degganaa waxay meeshiisii boqor uga dhigeen wiilkiisii Yoosiyaah.

akhri dhamaystiran cutubka Taariikhdii Labaad 33