Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Taariikhdii Labaad 30:1-6 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

1. Markaasaa Xisqiyaah u cid diray dadka Israa'iil oo dhan iyo dadka Yahuudah, oo haddana wuxuu warqado u qoray reer Efrayim iyo reer Manaseh, inay dhammaantood wada yimaadaan guriga Rabbiga oo Yeruusaalem ku yaal, si ay Iiddii Kormaridda ugu sameeyaan Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil.

2. Waayo, boqorka, iyo amiirradiisii, iyo shirkii Yeruusaalem joogay oo dhammu waxay ku arrinsadeen inay Iiddii Kormaridda sameeyaan bishii labaad.

3. Maxaa yeelay, iyagu wakhtigaas ma ay samayn karin, waayo, wadaaddadii tiro hawsha ku filanu isma ay daahirin, oo dadkiina Yeruusaalem kuma ay soo wada ururin.

4. Oo waxaasuna wuu la qummanaa boqorkii iyo shirkii oo dhanba.

5. Sidaas daraaddeed waxay amar ku soo saareen in lagu naadiyo dalka reer binu Israa'iil oo dhan, tan iyo Bi'ir Shebac iyo ilaa Daan, inay wada yimaadaan oo ay Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil Iidda Kormaridda Yeruusaalem ugu sameeyaan, waayo, wakhti dheer looma samayn sida qoran.

6. Sidaas daraaddeed niman wargeeys ah ayaa boqorkii iyo amiirradiisii ka qaadeen warqadihii, waxayna dhex marsiiyeen dalka Israa'iil iyo dalka Yahuudah oo dhan, waxayna ku socdeen si waafaqsan boqorka amarkiisii, iyagoo leh, Reer binu Israa'iilow, mar kale ku soo noqda Rabbiga ah Ilaaha Ibraahim iyo Isxaaq iyo Israa'iil, inuu isagu ku soo jeedsado kuwiinna ka baxsaday gacantii boqorradii Ashuur.

akhri dhamaystiran cutubka Taariikhdii Labaad 30