Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Taariikhdii Labaad 26:1-8 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

1. Markaasaa dadkii Yahuudah oo dhammu waxay soo kaxaysteen Cusiyaah oo lix iyo toban sannadood jiray, oo isagay boqor uga dhigeen meeshii aabbihiis Amasyaah.

2. Oo isna Eelood wuu dhisay oo dalka Yahuudah u soo celiyey markii boqorkii dhintay oo la seexday awowayaashiis dabadeed.

3. Cusiyaah markuu boqor noqday wuxuu jiray lix iyo toban sannadood, oo laba iyo konton sannadoodna Yeruusaalem buu boqor ku ahaa, oo hooyadiis magaceedana waxaa la odhan jiray Yekaalyaah tii reer Yeruusaalem.

4. Oo isna wuxuu sameeyey wax Rabbiga hortiisa ku qumman, oo wuxuu wada yeelay sidii aabbihiis Amasyaah yeelay oo kale.

5. Oo wakhtigii Sekaryaah, oo waxgarasho u lahaa waxa la arko ee Ilaah, ayuu isu diyaariyey inuu Ilaah doondoonto, oo intuu Rabbiga doonayayna Ilaah baa isaga liibaaniyey.

6. Markaasuu baxay oo reer Falastiin la dagaallamay, oo wuxuu dumiyey derbigii Gad, iyo derbigii Yabneh, iyo derbigii Ashdood, oo wuxuu magaalooyin ka dhisay waddankii reer Ashdood iyo reer Falastiin dhexdoodaba.

7. Oo Ilaah baa isaga uga hiiliyey reer Falastiin, iyo kuwii reer Carbeed ee Guur Bacal degganaa, iyo reer Mecuuniimba.

8. Oo reer Cammoonna waxay Cusiyaah siin jireen gabbaro, oo magiciisiina wuxuu ku faafay oo gaadhay xataa meesha Masar laga galo, maxaa yeelay, aad iyo aad buu u xoogaystay.

akhri dhamaystiran cutubka Taariikhdii Labaad 26