Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Taariikhdii Labaad 18:28-33 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

28. Markaasay boqorkii dalka Israa'iil iyo Yehooshaafaad oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah Raamod Gilecaad u kaceen.

29. Oo boqorkii dalka Israa'iil wuxuu Yehooshaafaad ku yidhi, Anigu waan ismidab qarinayaa oo dagaalkaan dhex gelayaa, laakiinse adigu dharkaaga xidho. Oo boqorkii dalka Israa'iil wuu ismidab qariyey oo dagaalkuu dhex galay.

30. Haddaba boqorkii dalka Suuriya wuxuu amray saraakiishii u taliyey gaadhifardoodkiisa, oo ku yidhi, Mid weyn iyo mid yar toona ha la diririna boqorka dalka Israa'iil oo keliya mooyaane.

31. Oo markii saraakiishii gaadhifardoodku ay Yehooshaafaad arkeen ayay isku yidhaahdeen, Kanu waa boqorkii dalka Israa'iil. Markaasay ku leexdeen inay la diriraan aawadeed, laakiinse Yehooshaafaad wuu qayliyey, oo Rabbiguna wuu caawiyey, oo Ilaah baa iyagii ka ceshay.

32. Oo markii saraakiishii gaadhifardoodku ay arkeen inuusan ahayn boqorkii dalka Israa'iil ayay dib uga noqdeen.

33. Oo nin baa intuu qaansadiisii xooday kama' ahaan fallaadh u ganay, oo wuxuu boqorkii dalka Israa'iil kaga dhuftay meesha dharkiisa dagaalku isaga yimaadaan. Markaasuu boqorku kii gaadhifaraskiisa kaxaynayay ku yidhi, Gacantaada leexi oo ciidanka iga dhex bixi, waayo, aad baan u dhaawacmay.

akhri dhamaystiran cutubka Taariikhdii Labaad 18