Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Taariikhdii Labaad 11:10-19 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

10. iyo Sorcaah, iyo Ayaaloon, iyo Xebroon, oo dhammaantood ku yaal dalka reer Yahuudah iyo kan reer Benyaamiin, waxayna wada ahaayeen magaalooyin deyr leh.

11. Oo isagu qalcadihii ayuu xoogeeyey oo wuxuu halkaas fadhiisiyey saraakiil, wuxuuna ku kaydiyey cunto iyo saliid iyo khamri.

12. Oo magaalo kasta wuxuu dhigay gaashaammo iyo warmo, kulligoodna aad buu u xoogeeyey. Oo dalka Yahuudah iyo dalka Benyaamiinna isagaa iska lahaa.

13. Oo wadaaddadii iyo kuwii reer Laawi oo reer binu Israa'iil dhex joogay oo dhammuna isagay uga yimaadeen meelahoodii oo dhan.

14. Waayo, reer Laawi way ka soo kaceen degmooyinkoodii iyo hantidoodiiba oo waxay yimaadeen dalkii Yahuudah iyo Yeruusaalem, waayo, Yaaraabcaam iyo wiilashiisii ayaa iyaga eryay si ayan Rabbiga ugu samayn shuqulkii wadaadnimada.

15. Oo isagu wuxuu wadaaddo u doortay meelihii sarsare iyo orgiyadii iyo weylihii uu isagii sameeyey.

16. Oo dabadoodna qabiilooyinka reer binu Israa'iil oo dhan in alla intii qalbigooda ku qabata inay doondoonaan Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil waxay iman jireen Yeruusaalem inay allabari u bixiyaan Rabbiga ah Ilaaha awowayaashood.

17. Markaasay xoogeeyeen boqortooyadii dalka Yahuudah, oo intii saddex sannadood ah ayay xoogeeyeen Rexabcaam ina Sulaymaan, waayo, saddex sannadood ayay ku socdeen jidkii Daa'uud iyo kii Sulaymaanba.

18. Oo Rexabcaam wuxuu guursaday Maxalad oo ay dhaleen Yeriimood ina Daa'uud iyo Abiixayil oo ahayd ina Elii'aab ina Yesay,

19. oo iyana waxay isagii u dhashay wiilal, waana Yecuush, iyo Shemaryaah, iyo Saham.

akhri dhamaystiran cutubka Taariikhdii Labaad 11