Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Taariikhdii Kowaad 6:8-24 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

8. Axiituubna wuxuu dhalay Saadooq, Saadooqna wuxuu dhalay Axiimacas,

9. Axiimacasna wuxuu dhalay Casaryaah, Casaryaahna wuxuu dhalay Yooxaanaan,

10. Yooxaanaanna wuxuu dhalay Casaryaah, (isagu wuxuu ahaa kii hawsha wadaadnimada ka qaban jiray gurigii Sulaymaan Yeruusaalem ka dhisay, )

11. Casaryaahna wuxuu dhalay Amaryaah, Amaryaahna wuxuu dhalay Axiituub,

12. Axiituubna wuxuu dhalay Saadooq, Saadooqna wuxuu dhalay Shalluum,

13. Shalluumna wuxuu dhalay Xilqiyaah, Xilqiyaahna wuxuu dhalay Casaryaah,

14. Casaryaahna wuxuu dhalay Seraayaah, Seraayaahna wuxuu dhalay Yehoosaadaaq,

15. Yehoosaadaaqna maxaabiis ahaan buu tegey waagii Rabbigu dadkii Yahuudah iyo Yeruusaalem uu gacantii Nebukadnesar ku kaxeeyey.

16. Wiilashii Laawina waxay ahaayeen Gershoom, iyo Qohaad, iyo Meraarii.

17. Kuwanuna waa magacyadii wiilashii Gershoom, Libnii iyo Shimcii.

18. Wiilashii Qohaadna waxay ahaayeen Camraam, iyo Isehaar, iyo Xebroon, iyo Cusii'eel.

19. Wiilashii Meraariina waxay ahaayeen Maxlii iyo Mushii. Oo intaasu waa qolooyinkii reer Laawi iyo sidii ay reerahoodu ahaayeen.

20. Gershoom waxaa ka soo farcamay wiilkiisii Libnii oo dhalay Yaaxad, oo isna dhalay Simmaah,

21. oo isna dhalay Yoo'aax, oo isna dhalay Iddo, oo isna dhalay Serax, oo isna dhalay Ye'ateray.

22. Qohaadna waxaa ka soo farcamay wiilkiisii Cammiinaadaab, oo dhalay Qorax, oo isna dhalay Asiir,

23. oo isna dhalay Elqaanaah, oo isna dhalay Ebiyaasaaf, oo isna dhalay Asiir,

24. oo isna dhalay Taxad, oo isna dhalay Uurii'eel, oo isna dhalay Cusiyaah, oo isna dhalay Shaa'uul.

akhri dhamaystiran cutubka Taariikhdii Kowaad 6