Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Taariikhdii Kowaad 29:16-30 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

16. Rabbiyow Ilaahayagiiyow, kaydkan aannu u diyaarinnay inaan guri ugu dhisno magacaaga quduuska ah dhammaantiis wuxuu ka yimid gacantaada oo kulligiisna adigaa iska leh.

17. Weliba waan ogahay, Ilaahayow, inaad qalbiga imtixaantid, oo aad qummanaanta ku faraxdid. Oo aniguna iyadoo qalbigaygu qumman yahay ayaan waxyaalahan oo dhan bixiyey anigoo raalli ah, oo haddana farxad baan ku arkay dadkaaga halkan jooga oo wax bixinaya iyagoo raalli ah.

18. Rabbiyow, awowayaashayo Ibraahim iyo Isxaaq iyo Israa'iil Ilaahoodiiyow, weligaaba saas ka yeel malayaasha fikirrada qalbiga dadkaaga, oo qalbigoodana xaggaaga u soo toosi.

19. Oo wiilkayga Sulaymaanna waxaad siisaa qalbi qumman oo uu ku dhawro amarradaada iyo markhaatigaaga iyo qaynuunnadaada, inuu waxyaalahan oo dhan sameeyo, iyo inuu dhiso gurigii aan wax u sii diyaarshay.

20. Markaasaa Daa'uud wuxuu shirkii oo dhan ku yidhi, Haddaba Rabbiga Ilaahiinna ah ammaana. Kolkaasay shirkii oo dhammu ammaaneen Rabbiga ah Ilaaha awowayaashood, oo intay madaxa foororiyeen ayay u sujuudeen Rabbiga iyo boqorkaba.

21. Oo subaxdii maalintaas ka dambaysay ayay Rabbiga u bixiyeen allabaryo iyo qurbaanno la gubo oo ah kun dibi, iyo kun wan, iyo kun baraar ah, iyo qurbaannadooda cabniinka ah, iyo allabaryo tiro badan oo reer binu Israa'iil oo dhan loo bixiyey.

22. Oo maalintaas iyagoo aad u faraxsan ayay Rabbiga hortiisa wax ku cuneen oo wax ku cabbeen. Oo Sulaymaan ina Daa'uud ayay mar labaad boqreen, oo isaga Rabbiga ugu subkeen inuu madax ahaado, Saadooqna inuu wadaad ahaado.

23. Markaasaa Sulaymaan carshigii Rabbiga ku fadhiistay isagoo jagadii aabbihiis Daa'uud boqor ka ah, wuuna barwaaqoobay, oo reer binu Israa'iil oo dhammuna isagay addeeceen.

24. Oo amiirradii oo dhan iyo raggii xoogga badnaa iyo Boqor Daa'uud wiilashiisii kale oo dhammuba Boqor Sulaymaan ayay addeeceen oo ka wada dambeeyeen.

25. Oo Rabbiguna Sulaymaan aad iyo aad buu ugu weyneeyey reer binu Israa'iil oo dhan hortooda, oo wuxuu isaga siiyey boqortooyo haybad leh oo ayan lahaan jirin boqorradii reer binu Israa'iil oo isaga ka horreeyey oo dhammu.

26. Haddaba Daa'uud ina Yesay wuxuu boqor u ahaan jiray reer binu Israa'iil oo dhan.

27. Oo wakhtigii uu reer binu Israa'iil boqor u ahaana wuxuu ahaa afartan sannadood; toddoba sannadood ayuu Xebroon boqor ka ahaa, saddex iyo soddon sannadoodna wuxuu boqor ka ahaa Yeruusaalem.

28. Oo wuxuu dhintay isagoo oday ah oo ka dhergay cimri, iyo maal, iyo sharafba, oo waxaa meeshiisii boqor ka noqday wiilkiisii Sulaymaan.

29. Haddaba Boqor Daa'uud falimihiisii, intii hore iyo intii dambeba, waxay ku qoran yihiin taariikhdii Samuu'eel oo wax arke ahaa, iyo taariikhdii Nebi Naataan, iyo taariikhdii Gaad oo isna wax arke ahaa.

30. Oo waxaa halkaas ku qoran kulli wakhtiyadii ay soo mareen boqortooyadiisii iyo xooggiisii, iyo wakhtiyadii ay isaga iyo reer binu Israa'iil, iyo boqortooyooyinkii waddammada oo dhammuba soo mareen.

akhri dhamaystiran cutubka Taariikhdii Kowaad 29