Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Taariikhdii Kowaad 24:1-17 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

1. Oo kooxihii reer Haaruunna waa kuwan. Wiilashii Haaruun waxay ahaayeen Naadaab, iyo Abiihuu, iyo Elecaasaar, iyo Iitaamaar.

2. Laakiinse Naadaab iyo Abiihuuba aabbahood way ka hor dhinteen, oo carruurna ma ay lahayn, haddaba sidaas daraaddeed hawshii wadaadnimada waxaa samayn jiray Elecaasaar iyo Iitaamaar.

3. Oo Daa'uud oo ay la jiraan Saadooq oo ahaa reer Elecaasaar iyo Axiimeleg oo ahaa reer Iitaamaar ayaa iyagii u kala qaybiyey sidii hawshoodu kala ahayd.

4. Oo reer Elecaasaar waxaa laga dhex helay niman madax ah oo ka badan intii reer Iitaamaar laga helay, oo iyagii sidanaa loo kala qaybiyey, reer Elecaasaar waxaa ku jiray lix iyo toban nin, oo qolooyin madax u ah, oo reer Iitaamaarna waxaa ku jiray siddeed, sidii qolooyinkoodu kala ahaayeen.

5. Oo sidanaa iyagii saami loogu kala qaybiyey, oo caynba caynkii kale waa lagu daray, waayo, waxaa jiray amiirro meesha quduuska ah, iyo amiirro Ilaah oo ahaa reer Elecaasaar iyo reer Iitaamaar labadaba.

6. Oo Shemacyaah ina Netaneel oo karraanigii ahaa, oo ahaa reer Laawi ayaa iyagii ku hor qoray boqorkii, iyo amiirradii, iyo wadaadkii Saadooq, iyo Axiimeleg ina Aabyaataar, iyo madaxdii qolooyinkii wadaaddada iyo reer Laawi ahaa, in reer loo qaado reer Elecaasaar, reerna loo qaado reer Iitaamaar.

7. Haddaba saamigii kowaad wuxuu u soo baxay Yehooyaariib, kii labaadna Yedacyaah,

8. kii saddexaadna Haarim, kii afraadna Secoriim,

9. kii shanaadna Malkiiyaah, kii lixaadna Miyaamin,

10. kii toddobaadna Haqoos, kii siddeedaadna Abiiyaah,

11. kii sagaalaadna Yeeshuuca, kii tobnaadna Shekaanyaah,

12. kii kow iyo tobnaadna Eliyaashiib, kii laba iyo tobnaadna Yaaqiim,

13. kii saddex iyo tobnaadna Xufaah, kii afar iyo tobnaadna Yeshebe'aab,

14. kii shan iyo tobnaadna Bilgaah, kii lix iyo tobnaadna Immeer,

15. kii toddoba iyo tobnaadna Xeesiir, kii siddeed iyo tobnaadna Hafisees,

16. kii sagaal iyo tobnaadna Fetaxyaah, kii labaatanaadna Yexesqeel,

17. kii kow iyo labaatanaadna Yaakiin, kii laba iyo labaatanaadna Gaamuul,

akhri dhamaystiran cutubka Taariikhdii Kowaad 24