Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Taariikhdii Kowaad 2:20-27 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

20. Xuurna wuxuu dhalay Uurii, Uuriina wuxuu dhalay Besaleel.

21. Oo taas dabadeedna Xesroon wuxuu u tegey inantii Maakiir oo ahaa Gilecaad aabbihiis, oo taas wuxuu guursaday isagoo lixdan sannadood jira, oo waxayna isaga u dhashay Seguub.

22. Seguubna wuxuu dhalay Yaa'iir, oo dalka reer Gilecaad ku lahaa saddex iyo labaatan magaalo.

23. Oo Geshuur iyo Araam ayaa waxay qaateen magaalooyinkii reer Yaa'iir, iyo Qenaad, iyo tuulooyinkeedii, waxayna wada ahaayeen lixdan magaalo. Oo kulli intaasu waxay wada ahaayeen wiilashii Maakiir oo ahaa Gilecaad aabbihiis.

24. Oo Xesroon markuu Kaaleeb Efraataah ku dhintay dabadeed ayaa Abiiyaah oo ahayd Xesroon naagtiisii waxay isagii u dhashay Ashxuur oo ahaa Teqooca aabbihiis.

25. Oo Yeraxme'eel oo ahaa curadkii Xesroon wiilashiisiina waxay ahaayeen Raam oo curadkiisii ahaa, iyo Buunaah, iyo Oren, iyo Osem, iyo Axiiyaah.

26. Oo Yeraxme'eelna wuxuu qabay naag kale, oo magaceeda la odhan jiray Cataaraah, oo iyana waxay ahayd Oonaam hooyadiis.

27. Oo Raam oo ahaa curadkii Yeraxme'eel wiilashiisii waxay ahaayeen Macas, iyo Yaamiin, iyo Ceeqer.

akhri dhamaystiran cutubka Taariikhdii Kowaad 2