Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Taariikhdii Kowaad 13:1-8 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

1. Markaasaa Daa'uud wuxuu la arrinsaday saraakiishii kun kun u taliyey iyo kuwii boqol boqol u taliyey iyo xataa hoggaamiye kasta.

2. Markaasaa Daa'uud wuxuu shirkii reer binu Israa'iil oo dhan ku yidhi, Hadday idinla wanaagsan tahay iyo hadday tahay tan Rabbiga Ilaaheenna ah aynu meel kasta ugu cid dirno walaalaheenna ku hadhay dalka Israa'iil oo dhan, kuwaasoo ah kuwa wadaaddada iyo reer Laawi ay la dhex joogaan magaalooyinkooda agagaarka leh, si ay iyaguna inoogu soo ururaan.

3. Oo weliba aynu sanduuqii Ilaaheenna mar kale soo ceshanno, waayo, isagii waynu iska daynay wakhtigii Saa'uul noolaa.

4. Markaasaa shirkii oo dhammu waxay yidhaahdeen, Haah, oo sidaasaynu yeelaynaa, maxaa yeelay, taasu dadkii oo dhan ayay la qummanayd.

5. Markaasuu Daa'uud soo wada shiriyey reer binu Israa'iil oo dhan, oo wuxuu ka soo ururiyey tan iyo Shiixoor oo ah durdurka Masar iyo xataa tan iyo meesha Xamaad laga galo in sanduuqii Ilaah Qiryad Yecaariim laga soo qaado.

6. Markaasaa Daa'uud iyo reer binu Israa'iil oo dhammu waxay tageen Bacalaah, oo ah Qiryad Yecaariim, oo ay reer Yahuudah iska leeyihiin, inay halkaas ka soo qaadaan sanduuqii Ilaah oo ah meesha Rabbiga Keruubiimta kala dhex fadhiya magiciisa lagu baryo.

7. Oo sanduuqii Ilaah gaadhi cusub bay saareen, markay ka soo bixiyeen gurigii Abiinaadaab, oo gaadhigiina waxaa waday Cuusaa iyo Axiyoo.

8. Oo Daa'uud iyo reer binu Israa'iil oo dhammu waxay Ilaah hortiis ku cayaareen xooggooda oo dhan, oo gabayo, iyo kataarado, iyo shareerado, iyo dafaf, iyo suxuun laysku garaaco, iyo turumbooyin ayay ku cayaareen.

akhri dhamaystiran cutubka Taariikhdii Kowaad 13