Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Taariikhdii Kowaad 12:7-13 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

7. iyo Yooceelaah iyo Sebadyaah oo ahaa wiilashii Yeroxaam oo ahaa reer Gedoor.

8. Oo waxaa reer Gaad Daa'uud isaga soocay oo ugu tegey dhufayskii cidlada ku yiil rag xoog badan oo ah rag dagaal loo tababbaray, oo gaashaan iyo waran qaadan karay, oo wejigooduna wuxuu ahaa sida weji libaax oo kale, oo waxay u dheereeyeen sida cawsha buuraha joogta.

9. Oo iyaga waxaa madax ahaa Ceser, Cobadyaahna wuxuu ahaa kii labaad, Elii'aabna kii saddexaad,

10. Mishmannaahna kii afraad, Yeremyaahna kii shanaad,

11. Catayna kii lixaad, Elii'eelna kii toddobaad,

12. Yooxaanaanna kii siddeedaad, Elsaabaadna kii sagaalaad,

13. Yeremyaahna kii tobnaad, Makbannayna kii kow iyo tobnaad.

akhri dhamaystiran cutubka Taariikhdii Kowaad 12