Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Taariikhdii Kowaad 12:10-27 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

10. Mishmannaahna kii afraad, Yeremyaahna kii shanaad,

11. Catayna kii lixaad, Elii'eelna kii toddobaad,

12. Yooxaanaanna kii siddeedaad, Elsaabaadna kii sagaalaad,

13. Yeremyaahna kii tobnaad, Makbannayna kii kow iyo tobnaad.

14. Kuwaas oo ahaa reer Gaad waxay ahaayeen saraakiishii ciidanka, oo kii iyaga ugu yaraa wuxuu u dhigmaa boqol nin, kii ugu weynaana kun nin.

15. Oo kuwaasu waxay ahaayeen kuwii bishii kowaad ka gudbay Webi Urdun oo buuxdhaafay oo qararka oo dhan ka daatay, oo iyagu waxay kala eryeen dadkii dooxooyinka degganaa oo dhan, xagga bari, iyo xagga galbeedba.

16. Oo waxaa dhufayska Daa'uud ugu yimid reer Benyaamiin iyo reer Yahuudah qaarkooda.

17. Markaasaa Daa'uud u baxay inuu iyaga ka hor tago, oo intuu jawaabay ayuu ku yidhi, Haddaad nabdoon iigu timaadeen inaad i caawisaan qalbigaygu wuu idinla jiri doonaa, laakiinse haddaad iigu timaadeen inaad cadaawayaashayda ii gacangelisaan, Ilaahii awowayaasheen taas ha fiiriyo oo ha canaanto, maxaa yeelay, gacmahayga wax xumaan ahu kuma jiraan.

18. Markaasaa ruuxii ku soo degay Camaasay oo soddonkii nin madax u ahaa, oo wuxuu yidhi, Daa'uudow, ina Yesayow, annagu waxaannu nahay kuwaagii, waannuna ku garab taagan nahay. Nabad. Nabad ha kula jirto, oo kaalmeeyayaashaadana nabad ha la jirto, waayo, waxaa ku caawiya Ilaahaaga. Markaasaa Daa'uud iyagii soo dhoweeyey oo wuxuu ka dhigay saraakiishii guutada.

19. Oo weliba reer Manasehna qaar baa Daa'uud geestiisa soo maray markuu raacay reer Falastiin oo Saa'uul dagaal ugu yimid, laakiinse iyagii ma ay caawiyin, waayo, saraakiishii reer Falastiin talay isagii ku eryeen, oo waxay isyidhaahdeen, Isagu intuu madaxyadeenna khatar geliyo ayuu sayidkiisii Saa'uul garab geli doonaa.

20. Oo markuu Siiqlag tegey waxaa geestiisa reer Manaseh ka soo maray Cadnaah, iyo Yoosaabaad, iyo Yediica'eel, iyo Miikaa'eel, iyo Yoosaabaad, iyo Eliihuu, iyo Silletay, oo dhammaantood ahaa saraakiil u taliya kun kun reer Manaseh ah.

21. Oo waxay Daa'uud ka caawiyeen guutadii wax dhacaysay, waayo, waxay ahaayeen rag xoog badan oo ahaa saraakiishii ciidanka.

22. Waayo, maalin ka maalin waxaa Daa'uud u iman jiray kuwo isaga caawiya, ilamaa ay noqdeen ciidan weyn, oo ah sidii ciidanka Ilaah.

23. Oo tanuna waa tiradii kuwii madaxda u ahaa kuwii dagaalka hubka u lahaa, oo Daa'uud ugu yimid Xebroon inay boqortooyada Saa'uul isaga u rogaan sidii uu eraygii Rabbigu ahaa.

24. Kuwii reer Yahuudah ee gaashaan iyo waran qaadayay waxay ahaayeen lix kun iyo siddeed boqol oo nin, oo dagaal hub u leh.

25. Oo kuwii reer Simecoon ee xoogga badnaa, dagaalkana u darbanaa waxay ahaayeen toddoba kun iyo boqol.

26. Reer Laawina waxaa ka joogay afar kun iyo lix boqol.

27. Oo Yehooyaadaacna wuxuu ahaa madaxdii reer Haaruun, oo isagana waxaa la socday saddex kun iyo toddoba boqol oo nin.

akhri dhamaystiran cutubka Taariikhdii Kowaad 12