Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Taariikhdii Kowaad 1:39-49 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

39. Wiilashii Lootaanna waxay ahaayeen Xori iyo Hoomaam, oo Timnacna waxay ahayd Lootaan walaashiis.

40. Wiilashii Shoobaalna waxay ahaayeen Calyaan, iyo Maanahad, iyo Ceebaal, iyo Shefii, iyo Oonaam. Wiilashii Sibecoonna waxay ahaayeen Ayah, iyo Canah.

41. Wiilashii Canahna waxay ahaayeen Dishon. Wiilashii Dishonna waxay ahaayeen Xamraan, iyo Eshbaan, iyo Yitraan, iyo Keraan.

42. Wiilashii Eeserna waxay ahaayeen Bilhaan, iyo Sacwaan, iyo Yacaqaan. Wiilashii Diishaanna waxay ahaayeen Cuus iyo Araan.

43. Haddaba kuwanu waa boqorradii u talin jiray dalka reer Edom, intaan boqorna u talin reer binu Israa'iil, Belac ina Becoor, oo magaaladiisana magaceeda waxaa la odhan jiray Dinhaabah.

44. Markaasaa Belac dhintay oo waxaa meeshiisii boqor ka noqday Yoobaab ina Serax oo reer Bosraah ahaa.

45. Markaasaa Yoobaab dhintay, oo waxaa meeshiisii boqor ka noqday Xushaam oo ka yimid dalka reer Teemaan.

46. Markaasaa Xushaam dhintay, oo waxaa meeshiisii boqor ka noqday Hadad ina Bedad, kaasoo Midyaan ku dilay beertii Moo'aab dhexdeeda, oo magaaladiisa magaceedana waxaa la odhan jiray Cawiid.

47. Markaasaa Hadad dhintay, oo waxaa meeshiisii boqor ka noqday Samlah oo ahaa reer Masreqah.

48. Markaasaa Samlah dhintay, oo waxaa meeshiisii boqor ka noqday Shaa'uul oo ka yimid Rexobod oo Webiga ku ag tiil.

49. Markaasaa Shaa'uul dhintay, oo waxaa meeshiisii boqor ka noqday Bacal Xaanaan ina Caqboor.

akhri dhamaystiran cutubka Taariikhdii Kowaad 1