Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Taariikhdii Kowaad 1:18-28 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

18. Oo Arfaksad wuxuu dhalay Sheelaah, Sheelaahna wuxuu dhalay Ceeber.

19. Oo Ceeberna waxaa u dhashay laba wiil, mid magiciisu wuxuu ahaa Feleg, waayo, waagiisii ayaa dhulku qaybsamay, magaca walaalkiisna wuxuu ahaa Yoqtaan.

20. Yoqtaanna wuxuu dhalay Almoodaad, iyo Shelef, iyo Xasarmaawed, iyo Yerah,

21. iyo Hadooraam, iyo Uusaal, iyo Diqlah,

22. iyo Ceebaal, iyo Abiimaa'el, iyo Shebaa,

23. iyo Oofir, iyo Xawiilaah, iyo Yoobaab. Kuwaasu kulli waxay ahaayeen wiilashii Yoqtaan.

24. Sheem, Arfaksad, Sheelaah,

25. Ceeber, Feleg, Recu,

26. Seruug, Naaxoor, Terax,

27. Aabraam (kaasoo ah Ibraahim).

28. Wiilashii Ibraahimna waxay ahaayeen Isxaaq iyo Ismaaciil.

akhri dhamaystiran cutubka Taariikhdii Kowaad 1