Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Sharciga Kunoqoshadiisa 7:17-26 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

17. Oo haddaad qalbiga iska tidhaahdaan, Quruumahanu way naga badan yihiin haddaba bal sidee baannu iyaga u hanti tiri karnaa?

18. waa inaydaan ka cabsan, oo waa inaad aad u xusuusataan wixii Rabbiga Ilaahiinna ahu ku sameeyey Fircoon iyo dalkii Masar oo dhan.

19. Xusuusta jirrabyadii waaweynaa oo aad aragteen, iyo calaamooyinkii, iyo yaababkii, iyo gacantii xoogga badnayd, iyo cududdii fidsanayd ee uu Rabbiga Ilaahiinna ahu idinku soo bixiyey, oo sidaasoo kalaa Rabbiga Ilaahiinna ahu ku wada samayn doonaa dadyowga aad ka cabsanaysaan oo dhan.

20. Oo weliba Rabbiga Ilaahiinna ahu wuxuu iyaga dhexdooda u soo diri doonaa xoon ilamaa inta ka hadhay oo dhuumatay ay hortiinna ka wada baabba'aan.

21. Waa inaydaan iyaga ka baqin, waayo, Rabbiga Ilaahiinna ahu dhexdiinnuu joogaa, oo isagu waa Ilaah weyn oo laga cabsado aad iyo aad.

22. Oo Rabbiga Ilaahiinna ahu quruumahaas aayar aayar ayuu hortiinna uga eryi doonaa. Oo waa inaydaan iyaga mar qudha baabbi'in si aan dugaagga duurku idiinku badan.

23. Laakiinse Rabbiga Ilaahiinna ahu gacantiinnuu soo gelin doonaa, oo jeeray wada baabba'aan wuxuu idiinkaga nixin doonaa naxdin weyn.

24. Oo boqorradooda wuxuu soo gelin doonaa gacantiinna, oo magacooda waa inaad ka baabbi'isaan inta samada ka hoosaysa, oo ninnaba ma awoodi doono inuu hortiinna istaago jeeraad iyaga wada baabbi'isaan.

25. Oo sanamyada xardhan oo ilaahyadooda waa inaad gubtaan, oo aydaan damcin lacagta iyo dahabka korkooda saaran, hana qaadanina, yeydnan siriq ku dhicine, waayo, taasu waxay Rabbiga Ilaahiinna ah u tahay karaahiyo.

26. Gurigiinnana waa inaydaan soo gelin wax karaahiyo ah, si aydaan sideeda oo kale wax xaaraan ah u noqon. Waa inaad kulligood ka yaqyaqsataan oo aad iyo aad u nacdaan, maxaa yeelay, waxaasu waa xaaraan.

akhri dhamaystiran cutubka Sharciga Kunoqoshadiisa 7