Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Sharciga Kunoqoshadiisa 6:22-25 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

22. oo Rabbigu annagoo u jeedna ayuu Masar iyo Fircoon iyo reerkiisii oo dhan ku sameeyey calaamooyin iyo yaabab waaweyn oo adadag.

23. Oo halkaas wuu naga soo bixiyey inuu na keeno oo na siiyo dalkii uu ugu dhaartay awowayaasheen.

24. Oo Rabbigu waa nagu amray inaannu samayno qaynuunnadan oo dhan oo aannu wanaaggayaga aawadiis weligayo uga cabsanno Rabbiga Ilaahayaga ah, inuu nolosha noogu daayo siday maanta tahay.

25. Oo waxay inoo ahaanaysaa xaqnimo haddaynu dhawrno oo aynu amarkan oo dhan ku samayno Rabbiga Ilaaheenna ah hortiisa, siduu inoogu amray.

akhri dhamaystiran cutubka Sharciga Kunoqoshadiisa 6