Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Sharciga Kunoqoshadiisa 5:1-12 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

1. Markaasaa Muuse u wada yeedhay dadkii reer binu Israa'iil oo dhan oo wuxuu ku yidhi, Reer binu Israa'iilow, maqla qaynuunnada iyo xukummada aan maanta dhegahiinna kula hadlayo inaad iyaga barataan oo aad dhawrtaan si aad u samaysaan.

2. Rabbiga Ilaaheenna ahu innagoo Xoreeb joogna ayuu axdi inala dhigtay.

3. Oo Rabbigu axdigaas lama uu dhigan awowayaasheen, laakiinse wuxuu la dhigtay innagoo ah inteenna maanta nool oo halkan wada joogta oo dhan.

4. Oo Rabbigu isagoo buurta jooga fool ka fool ayuu dabka dhexdiisa idiinkala hadlay,

5. (oo anna markaas waxaan istaagay Rabbiga iyo idinka dhexdiinna si aan idiin tuso Eraygii Rabbiga, waayo, waxaad ka cabsanayseen dabka, oo buurtana ma aydaan fuulin,) oo isaguna wuxuu yidhi,

6. Anigu waxaan ahay Rabbiga Ilaahaaga ah, oo kaa soo bixiyey dalkii Masar, iyo gurigii addoonsiga.

7. Aniga mooyaane ilaahyo kale waa inaanad lahaan.

8. Waa inaanad samaysan sanam xardhan, oo u eg waxa samada sare jira, ama waxa dhulka hoose jira, ama waxa biyaha dhulka ka hooseeya ku jira.

9. Waa inaanad iyaga u sujuudin, ama u adeegin, waayo, aniga oo ah Rabbiga Ilaahaaga ah waxaan ahay Ilaah masayr ah, oo xumaantii awowayaasha waxaan soo gaadhsiinayaa carruurtooda, iyo tan iyo farcanka saddexaad iyo kan afraad oo kuwa i neceb,

10. oo waxaan u naxariistaa kumanyaal ah kuwa i jecel oo amarradayda xajiya.

11. Waa inaanad magaca Rabbiga Ilaahaaga ah si been ah ugu hadal qaadin, waayo, Rabbigu eedlaawe u haysan maayo kii magiciisa si been ah ugu hadal qaada.

12. Dhawr maalinta sabtida inaad quduus ka dhigto sidii Rabbiga Ilaahaaga ahu kuugu amray.

akhri dhamaystiran cutubka Sharciga Kunoqoshadiisa 5