Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Sharciga Kunoqoshadiisa 34:3-8 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

3. iyo xagga koonfureed, iyo bannaanka dooxada Yerixoo oo ah magaalada geedaha timireed, iyo tan iyo Socar.

4. Oo Rabbigu wuxuu isagii ku yidhi, Waa kaas dalkii aan ugu dhaartay Ibraahim iyo Isxaaq iyo Yacquub oo aan midkood kasta ku idhi, Dalkaas waxaan siinayaa farcankaaga. Haddaba waxaan ka dhigay inaad indhahaaga ku aragto, laakiinse xaggaas u gudbi maysid.

5. Sidaas daraaddeed Muuse oo ahaa addoonkii Rabbigu meeshaasoo ahayd dalkii reer Moo'aab ayuu ku dhintay, sida erayga Rabbigu ahaa.

6. Oo wuxuu isagii ku aasay dooxada ku taal dalka Moo'aab oo ka soo hor jeeda Beytfecoor, laakiinse ilaa maantadan la joogo ma jiro nin qabrigiisii yaqaan.

7. Oo Muuse markuu dhintay wuxuu jiray boqol iyo labaatan sannadood, oo haddana indhihiisu ma aragdarnaan, xooggiisiina kama yaraan.

8. Oo reer binu Israa'iilna soddon maalmood ayay Muuse ugu ooyayeen bannaankii Moo'aab, haddaba maalmihii loo barooranayay Muuse way dhammaadeen.

akhri dhamaystiran cutubka Sharciga Kunoqoshadiisa 34