Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Sharciga Kunoqoshadiisa 32:10-19 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

10. Wuxuu isaga ka dhex helay dhul lamadegaan ah, Iyo cidlada baabba'a ah oo ay dugaaggu ka dhex ciyaan. Hareerihiisuu isku wareejiyey, wuuna xannaaneeyey, Oo wuxuu isaga u dhawray sida ishiisa inankeeda,

11. Sida gorgorku buulkiisii u lulo, Oo dhashiisa ugu kor ruxmo, Oo baalashiisa u kala bixiyo, oo uu u qaado, Oo garbihiisa ugu xambaaro,

12. Ayaa Rabbiga oo keliya isaga hoggaamiyey, Oo ilaah qalaadna lama joogin.

13. Wuuna fuuliyey meelaha sarsare ee dhulka, Oo wuxuu cunay wixii beerta ka baxay, Wuxuuna ka dhigay inuu nuugo malab dhagaxii ka soo baxay, Iyo saliid dhagax madow ka soo baxday.

14. Wuxuuna quutay subag lo'aad, iyo caano idaad, Iyo baraarro baruurtood, Iyo wananka Baashaan, iyo riyaha, Iyo sarreenka ugu wanaagsan. Oo dhiiggii canabkana waxaad ka cabtay khamri.

15. Laakiinse Yeshuruun wuu cayilay, oo wax buu harraatiyey. Adigu waad cayishay, waanad buurnaatay, oo xaydhaysatay. Markaasuu ka tegey Ilaahii uumay, Oo quudhsaday Dhagaxii badbaadadiisa.

16. Waxay isaga kaga hinaasiyeen ilaahyo qalaad, Oo waxay kaga xanaajiyeen waxyaalo karaahiyo ah.

17. Waxay wax u sadaqeeyeen jinniyo aan Ilaah ahayn, Iyo ilaahyo ayan iyagu aqoon Oo ah kuwo cusub oo dhowaan soo baxay, Oo awowayaashiin ayan ka cabsan jirin.

18. Adigu Dhagaxii ku dhalay ma aad xusuusnid, Oo waad iska illowday Ilaahii ku dhalay.

19. Rabbiguna wuu arkay, oo wuu nacay, Maxaa yeelay, wiilashiisii iyo gabdhihiisii ayaa isaga ka xanaajiyey.

akhri dhamaystiran cutubka Sharciga Kunoqoshadiisa 32