Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Sharciga Kunoqoshadiisa 29:1-13 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

1. Kuwanu waa erayadii axdigii Rabbigu Muuse ku amray, oo uu reer binu Israa'iil kula dhigtay dalkii reer Moo'aab, oo aan ahayn axdigii uu iyaga kula dhigtay Buur Xoreeb.

2. Markaasaa Muuse u wada yeedhay reer binu Israa'iil oo dhan, oo wuxuu ku yidhi, Idinku waad wada aragteen wixii Rabbigu markaad Masar joogteen hortiinna ku sameeyey Fircoon iyo addoommadiisii oo dhan iyo dalkiisii oo dhan,

3. kuwaas oo ahaa jirrabyadii waaweynaa oo indhihiinnu arkeen, iyo calaamooyinkii iyo yaababkii waaweynaa,

4. laakiinse Rabbigu ilaa maantadan la joogo idinma siin qalbi wax garta iyo indho wax arka iyo dhego wax maqla toona.

5. Oo anigu intii afartan sannadood ah ayaan cidlada idinku dhex kexeeyey, oo dharkiinnii korkiinna kuma duugoobin, kabihiinniina cagihiinna kuma dhammaanin.

6. Idinku ma aydaan cunin kibis, mana aydaan cabbin khamri ama wax lagu sakhraamo toona si aad u garataan inaan anigu ahay Rabbiga Ilaahiinna ah.

7. Oo markaad meeshan timaadeen waxaa inagu soo baxay Siixon oo ahaa boqorkii Xeshboon iyo Coog oo ahaa boqorkii Baashaan, oo innana waynu laynay.

8. Oo dalkoodiina intaan qaadannay ayaan dhaxal u siinnay reer Ruubeen iyo reer Gaad iyo qabiilkii reer Manaseh badhkood.

9. Haddaba erayada axdigan xajiya oo yeela inaad ku liibaantaan wax alla wixii aad samaysaan.

10. Maanta dhammaantiin waxaad hor taagan tihiin Rabbiga Ilaahiinna ah. Waxaa wada jooga madaxdiinnii, iyo qabiilooyinkiinnii, iyo odayaashiinnii, iyo saraakiishiinnii, iyo xataa nimankii reer binu Israa'iil oo dhan,

11. iyo dhallaankiinnii, iyo naagihiinnii, iyo qariibkiinnii xeryihiinna ku dhex jira, xataa kan geedaha idiin jara iyo kan biyaha idiin dhaansha,

12. inaad gashaan axdiga Rabbiga Ilaahiinna ah iyo dhaarta Rabbiga Ilaahiinna ahu uu maanta idinla dhiganayo,

13. inuu maanta dad idinka dhigto iyo inuu Ilaah idiin noqdo, siduu idiin sheegay oo uu ugu dhaartay awowayaashiin oo ahaa Ibraahim iyo Isxaaq iyo Yacquub.

akhri dhamaystiran cutubka Sharciga Kunoqoshadiisa 29