Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Sharciga Kunoqoshadiisa 26:6-10 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

6. Markaas Masriyiintii wax xun bay nagu sameeyeen oo na dhibeen, oo waxay na saareen addoonnimo culus.

7. Oo annana markaasaannu Rabbiga ah Ilaahii awowayaashayo u qayshannay, kolkaasaa Rabbigu codkayagii maqlay oo dhibkayagii iyo hawshayadii iyo dulmigayagii arkay.

8. Markaasaa Rabbigu dalkii Masar nagaga soo baxshay gacan xoog badan, iyo cudud fidsan, iyo cabsi weyn, iyo calaamooyin iyo yaabab,

9. oo meeshan buu na keenay, oo wuxuu na siiyey dalkan oo ah dal caano iyo malab la barwaaqaysan.

10. Oo haatan Rabbiyow, waxaan keenay dhulkii aad i siisay midhihiisii u horreeyey. Kolkaas waa inaad midhaha hor dhigtaa Rabbiga Ilaahaaga ah, oo aad ku sujuuddaa Rabbiga Ilaahaaga ah hortiisa.

akhri dhamaystiran cutubka Sharciga Kunoqoshadiisa 26