Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Sharciga Kunoqoshadiisa 26:1-7 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

1. Oo markaad gashid dalkii Rabbiga Ilaahaaga ahu uu dhaxalka kuu siinayo, oo aad hantido ee aad dhex degto,

2. waa inaad keentaa midhaha dhulka kuwa ugu horreeya oo dhan, kuwaasoo aad ka guran doonto dalka Rabbiga Ilaahaaga ahu uu ku siinayo, oo waa inaad dambiil ku riddaa oo kolkaas waxaad tagtaa meesha Rabbiga Ilaahaaga ahu uu u dooranayo inuu magiciisa halkaas dhigo.

3. Oo waa inaad u timaadaa wadaadka waagaas joogi doono, oo waxaad ku tidhaahdaa, Waxaan maanta u qirayaa Rabbiga Ilaahaaga ah inaan imid dalkii Rabbigu ugu dhaartay awowayaasheen inuu ina siinayo.

4. Oo markaas wadaadku waa inuu dambiisha gacantaada ka qaadaa oo uu hor dhigaa meesha allabariga oo Rabbiga Ilaahaaga ah.

5. Oo markaas waa inaad jawaabtaa oo Rabbiga Ilaahaaga ah hortiisa ka tidhaahdaa, Aabbahay wuxuu ahaa mid reer Suuriya ah oo warwareega. Wuxuu ku dhaadhacay Masar, oo halkaasuu degay, isagoo reerkiisu yar yahay, oo halkaas wuxuu ku noqday quruun weyn oo xoog badan oo tiro badan.

6. Markaas Masriyiintii wax xun bay nagu sameeyeen oo na dhibeen, oo waxay na saareen addoonnimo culus.

7. Oo annana markaasaannu Rabbiga ah Ilaahii awowayaashayo u qayshannay, kolkaasaa Rabbigu codkayagii maqlay oo dhibkayagii iyo hawshayadii iyo dulmigayagii arkay.

akhri dhamaystiran cutubka Sharciga Kunoqoshadiisa 26