Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Sharciga Kunoqoshadiisa 22:4-14 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

4. Haddaad aragtid walaalkaa dameerkiisa ama dibigiisa oo jidka ku dhacay, waa inaadan ka dhuuman, laakiinse hubaal waa inaad isaga caawisaa oo la istaajisaa.

5. Naagu waa inayan xidhan waxa nin leeyahay, oo ninna waa inuusan guntan dhar naageed, waayo, ku alla kii waxaa sameeyaa waa u karaahiyo Rabbiga Ilaahaaga ah.

6. Jidka hortaadaa haddaad ka heshid shimbir buulkeed oo geed ama dhulka ku yaal, oo ay buulka ku jiraan dhal ama ugxan iyo hooyadood oo ku fadhida dhashii ama ugxantii waa inaadan hooyada la qaadan dhasha.

7. Si kasta ha ahaatee waa inaad hooyada sii daysaa, laakiinse dhasha waad qaadan kartaa, inaad nabdoonaatid oo uu cimrigaagu ku dheeraado.

8. Markaad dhisatid guri cusub, saqafkiisa waa inaad derbi ku wareejisaa si aadan reerkaaga dhiig ugu soo jiidin haddii nin halkaas ka soo dhaco.

9. Beertaada canabka ah waa inaadan ku wada beeran iniino laba cayn oo kala duwan ah, waaba intaasoo ay midhaha oo dhammu quduus kaa noqdaan, kuwaasoo ah iniinihii aad beeratay iyo midhihii beerta canabka ah kaaga baxayba.

10. Waa inaadan beer ku jeexin dibi iyo dameer wada jira.

11. Waa inaadan guntan dhar isku darsan oo laga sameeyey dhogor idaad iyo geed linen la yidhaahdo oo isku jira.

12. Oo dharka aad guntato afartiisa darafba waa inaad faraq u yeeshaa.

13. Oo haddii nin naag guursado oo uu u tago, dabadeedna uu necbaado,

14. oo uu waxyaalo ceeb ah ka sheego ee uu magac ceeb ah u soo jiido isagoo leh, Naagtan waan guursaday oo markaan u soo dhowaaday kama aanan helin calaamadihii bikradnimada,

akhri dhamaystiran cutubka Sharciga Kunoqoshadiisa 22