Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Sharciga Kunoqoshadiisa 2:31-37 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

31. Markaasaa Rabbigu wuxuu igu yidhi, Bal eeg, waxaan bilaabay inaan Siixon iyo dalkiisaba gacantaada soo geliyo, haddaba waxaad bilowdaa inaad hantidid aad dalkiisa dhaxashide.

32. Markaasaa Siixon iyo dadkiisii oo dhammu inagu soo kaceen oo waxay inagula dirireen Yahas.

33. Oo Rabbiga Ilaaheenna ahu isaguu soo geliyey gacanteenna, oo innana waynu dilnay isagii iyo wiilashiisii iyo dadkiisii oo dhanba.

34. Oo waagaasaynu wada qabsannay magaalooyinkiisii oo dhan, oo magaalooyinkii la degganaa oo dhanna waynu wada baabbi'innay, iyo dumarkii iyo dhallaankiiba, cidna kama aynu reebin.

35. Laakiin waxaynu booli ahaan u qaadannay xoolihii iyo alaabtii magaalooyinka aynu qabsannay.

36. Oo magaalo inagu adag laguma arag tan iyo Carooceer oo ku taal dooxada Arnoon qarkeeda, iyo tan iyo magaalada dooxada ku dhex taal iyo tan iyo Gilecaad, maxaa yeelay, Rabbiga Ilaaheenna ah ayaa kulligood gacanta inoo geliyey.

37. Laakiinse waxaa keliyahoo aadan u soo dhowaan dalkii reer Cammoon, iyo Webi Yabboq dhinaciisa oo dhan, iyo magaalooyinka dalka buuraha leh, iyo meel alla meeshii uu Rabbiga Ilaaheenna ahu inoo diiday.

akhri dhamaystiran cutubka Sharciga Kunoqoshadiisa 2