Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Sharciga Kunoqoshadiisa 15:21-23 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

21. Oo haddii curadku leeyahay iin ah addinla'aan ama indhala'aan, ama hadduu leeyahay iin xun wax kasta ha ahaatee, waa inaadan Rabbiga Ilaahaaga ah allabari ugu bixin.

22. Waa inaad irdahaaga gudahooda ku cuntaa, oo qofkii daahir ah iyo kii aan daahir ahaynuba isku si ha u cuneen sida cawsha iyo deerada oo kale.

23. Laakiinse waa inaadan dhiiggiisa cunin, waxaadse dhulka ugu daadisaa sida biyo oo kale.

akhri dhamaystiran cutubka Sharciga Kunoqoshadiisa 15