Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Sharciga Kunoqoshadiisa 11:4-15 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

4. iyo wixii uu ku sameeyey ciidankii Masar, iyo fardahoodii, iyo gaadhifardoodkoodii, iyo siduu iyaga ugu qarqiyey biyihii Badda Cas markay idin eryadeen, iyo siduu Rabbigu iyagii u baabbi'iyey ilamaa maantadan la joogo,

5. iyo wixii uu idinku sameeyey, markaad cidladii joogtay jeeraad meeshan timaadeen,

6. iyo wixii uu reer binu Israa'iil oo dhan dhexdooda kaga sameeyey Daataan iyo Abiiraam oo ahaa ilma Elii'aab oo ahaa reer Ruubeen, iyo sidii ciiddu afkeeda u kala qaadday oo ay u liqday iyagii, iyo reerahoodii, iyo teendhooyinkoodii, iyo wax alla wixii noolaa oo iyaga raacay,

7. laakiinse idinka indhihiinnu way arkeen shuqulkii weynaa oo Rabbigu sameeyey oo dhan.

8. Haddaba sidaas daraaddeed waa inaad xajisaan amarkan aan maanta idinku amrayo oo dhan si aad u xoogaysataan oo aad u gashaan oo u hantidaan dalka aad ugu gudbaysaan inaad hantidaan,

9. iyo in cimrigiinnu ku dheeraado dalkii Rabbigu ugu dhaartay awowayaashiin inuu siinayo iyaga iyo farcankooda, kaasoo ah dal caano iyo malab la barwaaqaysan.

10. Maxaa yeelay, dalka aad ugu gudbaysaan inaad hantidaan ma aha sidii dalkii Masar oo aad ka soo baxdeen ee aad abuurkiinna ku abuurteen oo aad cagihiinna ku waraabiseen sidii beer khudaareed,

11. laakiinse dalka aad ugu gudbaysaan inaad hantidaan waa dal leh buuro iyo dooxooyin, oo wuxuu biyaha ka cabbaa roobka samada,

12. oo waa dal Rabbiga Ilaahiinna ahu uu xannaaneeyo, waayo, Rabbiga Ilaahiinna ah indhihiisa ayaa fiiriya tan iyo sannadda bilowgeeda iyo xataa sannadda dabaadigeeda.

13. Oo haddaad aad u dhegaysataan amarrada aan maanta idinku amrayo oo ah inaad Rabbiga Ilaahiinna ah jeclaataan oo aad isaga ugu adeegtaan qalbigiinna oo dhan iyo naftiinna oo dhan,

14. de markaas dalkiinna roobka waxaan siin doonaa xilligiisa kaas oo ah roobka hore iyo roobka dambe, inaad soo urursataan hadhuudhkiinna, iyo khamrigiinna, iyo saliiddiinna.

15. Oo berrimmadiinnana waxaan ka buuxin doonaa doog ay xoolihiinnu daaqaan, oo idinkuna wax baad cuni doontaan, waadna dhergi doontaan.

akhri dhamaystiran cutubka Sharciga Kunoqoshadiisa 11