Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Sharciga Kunoqoshadiisa 11:26-32 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

26. Bal eega, maanta waxaan idin hor dhigayaa barako iyo habaar,

27. barakada waxaad helaysaan haddaad dhegaysataan amarrada Rabbiga Ilaahiinna ah oo aan maanta idinku amrayo,

28. habaarkuna wuxuu idinku dhacayaa haddaydnan dhegaysan amarrada Rabbiga Ilaahiinna ah, laakiin aad gees uga leexataan jidka aan maanta idinku amrayo, oo aad ilaahyo kale oo aydnan aqoon raacdaan.

29. Oo markii Rabbiga Ilaahiinna ahu idin geeyo dalka aad ugu gudbaysaan inaad hantidaan, barakada waa inaad kaga dhawaaqdaan Buur Gerisiim, habaarkana waa inaad kaga dhawaaqdaan Buur Ceebaal.

30. War sow iyagu kama shisheeyaan Webi Urdun xagga jidka dambe oo qorrax-u-dhaca, oo ah dalka reer Kancaanka Caraabaah deggan, oo ka soo hor jeedda Gilgaal, oo ku dhinac yaal geedaha Moreh?

31. Waayo, waxaad ka gudubtaan Webi Urdun inaad gashaan oo hantidaan dalkii Rabbiga Ilaahiinna ahu uu idin siinayo, waadna hantiyi doontaan oo dhex degi doontaan.

32. Oo waa inaad dhawrtaan oo wada yeeshaan qaynuunnada iyo xukummada aan maanta idin hor dhigayo oo dhan.

akhri dhamaystiran cutubka Sharciga Kunoqoshadiisa 11