Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Sharciga Kunoqoshadiisa 1:20-29 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

20. Oo anna markaas waxaan idinku idhi, War waxaad timaadeen dalka buuraha leh oo reer Amor ee Rabbiga Ilaaheenna ahu ina siinayo.

21. Bal eega, Rabbiga Ilaahiinna ahu dalkii buu idin hor dhigay. Haddaba u kaca, oo hanti u qaata sidii Rabbiga ah Ilaaha awowayaashiin uu idiin sheegay, oo ha cabsanina, hana qalbi jabina.

22. Oo mid kastoo idinka mid ahuba wuu ii soo dhowaaday oo wuxuu igu yidhi, War aynu niman iska hor marinno, si ay dalka inoogu soo baadhaan, oo ay inoogu soo sheegaan jidka aan marayno iyo magaalooyinka aan tegayno.

23. Oo anna taas aad baan ugu farxay, markaasaan idinkala soo baxay laba iyo toban nin, oo qabiil kastaba nin baan ka soocay.

24. Kolkaasay noqdeen oo buurtii u kaceen, oo waxay gaadheen dooxadii Eshkol, wayna soo basaaseen.

25. Oo waxay gacmahooda ku soo qaadeen dalka midhihiisii, oo innagay inoo keeneen, oo haddana intay inoo war keeneen ayay yidhaahdeen, Dalku waa dal wanaagsan oo Rabbiga Ilaaheenna ahu ina siinayo.

26. Laakiinse idinku waad diiddeen inaad u kacdaan, oo waxaad ku caasiyowdeen amarkii Rabbiga Ilaahiinna ah.

27. Oo teendhooyinkiinna ayaad ku dhex gunuunacdeen, oo waxaad tidhaahdeen, Rabbigu nacaybka uu inoo qabo aawadiis ayuu dalkii Masar inooga soo bixiyey inuu ina geliyo gacanta reer Amor oo ay ina baabbi'iyaan.

28. Bal xaggee baynu u sii kacnaa? Waayo, walaalaheen ayaa qalbigeennii aad u cabsiiyey, oo waxay yidhaahdeen, Dadku waa inaga badan yahay, wayna inaga dhaadheer yihiin, oo magaalooyinkuna way waaweyn yihiin oo deyr samada ku tolan ayaa ku wareegsan, oo weliba waxaan kaloo halkaas ku soo aragnay reer Canaaq.

29. Oo markaasaan idinku idhi, Ha cabsanina, hana ka baqina.

akhri dhamaystiran cutubka Sharciga Kunoqoshadiisa 1