Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Sharciga Kunoqoshadiisa 1:1-6 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

1. Kuwanu waa erayadii Muuse kula hadlay reer binu Israa'iil markay joogeen Webi Urdun shishadiisa cidlada dhexdeeda, oo ah Caraabaah oo ka soo hor jeedda Suuf, meel u dhexaysa Faaraan, iyo Tofel, iyo Laabaan, iyo Xaseerood, iyo Diisaahaab.

2. Oo koob iyo toban maalmood ayaa looga socdaa Xoreeb xagga Buur Seciir ilaa tan iyo Qaadeesh Barneeca.

3. Oo sannaddii afartanaad bisheedii koob iyo tobnaad, maalinteedii kowaad ayaa Muuse reer binu Israa'iil kula hadlay kulli amarradii Rabbigu ugu soo dhiibay oo dhan.

4. Taasuna waa ka dambaysay diliddii uu dilay Siixon oo ahaa boqorkii reer Amor oo degganaa Xeshboon, iyo Coog oo ahaa boqorkii reer Baashaan oo degganaa Cashtarod ee Edrecii ku taal.

5. Oo meeshaas ee Webi Urdun ka shishaysa oo ku taal dalka reer Moo'aab ayaa Muuse ka bilaabay inuu caddeeyo sharcigan, oo wuxuu yidhi,

6. Rabbiga Ilaaheenna ahu wuxuu inala hadlay intaan Xoreeb joognay oo wuxuu inagu yidhi, Buurtan in idinku filan waad degganaydeen,

akhri dhamaystiran cutubka Sharciga Kunoqoshadiisa 1