Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Sekaryaah 9:6-14 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

6. Ashdoodna reer garac baa dhex degganaan doona, oo kibirka reer Falastiinna waan baabbi'in doonaa.

7. Waxaan afkooda ka soo bixin doonaa dhiiggooda, oo ilkahooda dhexdoodana karaahiyadoodaan ka soo bixin doonaa, oo iyaguna Ilaahayagay dad hadhay u ahaan doonaan, oo sida ugaas dalka Yahuudah dhex jooga oo kale ayay ahaan doonaan, oo Ceqroonna waxay noqon doontaa sida reer Yebuus.

8. Oo gurigayga hareerihiisa waan degi doonaa inaan ciidanka ka hor joogsado, inaan ninna ka dhex marin ama ku soo noqon, oo mar dambena mid wax dulma iyaga ma dhex mari doono, waayo, haatan indhahaygaan ku arkay.

9. Magaalada Siyoonay, si weyn u reyree, magaalada Yeruusaalemay, qayli. Bal eeg, boqorkaagu waa kuu imanayaa. Isagu waa xaq oo guul buu leeyahay, waana qalbi qabow yahay, oo wuxuu fuushan yahay dameer ah qayl dameereed.

10. Oo anigu Efrayim gaadhifardood kasta waan ka baabbi'in doonaa, oo Yeruusaalemna faras kuma reebi doono, oo qaansada dagaalkana waa la baabbi'in doonaa. Isna quruumaha nabad buu kula hadli doonaa, oo dowladnimadiisuna waxay gaadhi doontaa bad ilaa baddeeda kale, iyo tan iyo Webiga iyo xataa dhulka darafyadiisa.

11. Oo weliba adigana dhiiggii axdigaaga daraaddiis maxaabiistaadii waan ka soo bixiyey godkii aan biyuhu ku jirin.

12. Ku noqda qalcadda, maxaabiistiinna rajada lahow, maantadan ayaan caddaynayaa inaan laba jibbaar idin siinayo.

13. Waayo, dadka Yahuudah sida qaanso baan u xootay, oo reer Efrayim sida fallaadh oo kale ayaan qaansadii u gashaday. Siyoonay, wiilashaada waan kicin doonaa, Gariigow, iyagaan ku kicin doonaa wiilashaada, oo waxaan kaaga dhigi doonaa sida seef nin xoog badanu haysto.

14. Oo Rabbigiina waa lagu arki doonaa korkooda, oo fallaadhihiisuna waa u soo bixi doonaan sida hillaac. Oo Sayidka Rabbiga ahu buunkuu afuufi doonaa, oo wuxuu raaci doonaa dabaylo cirwareen ah ee koonfureed.

akhri dhamaystiran cutubka Sekaryaah 9