Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Sekaryaah 9:1-5 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

1. Kanu waa warka culus ee erayga Rabbiga oo ku saabsan dalka Xadraag, oo Dimishaqna waa meeshuu joogayo, waayo, nin kasta iyo qabiilooyinkii reer binu Israa'iil oo dhammuba waxay indhaha ku taagayaan Rabbiga xaggiisa,

2. iyo weliba Xamaad oo soohdinteeda ku ag taal, iyo weliba Turos iyo Siidoon, maxaa yeelay, iyadu way caqli badan tahay.

3. Turos waxay dhisatay qalcad, oo waxay lacag u urursatay sida ciidda oo kale, iyo dahab saafiya sida dhoobada jidadka dhex taal oo kale.

4. Bal eeg, Sayidku iyada wuu hantiyi doonaa, oo xooggeedana badduu ku tuuri doonaa, oo dab baa dhammayn doona.

5. Ashqeloon way arki doontaa, wayna cabsan doontaa, oo Gaasana way arki doontaa oo aad bay u xanuunsan doontaa, Ceqroonna way cabsan doontaa, waayo, waxfilashadeedii way dhammaan doontaa, oo Gaasana boqorku wuu ka baabbi'i doonaa, Ashqeloonna lama degganaan doono.

akhri dhamaystiran cutubka Sekaryaah 9