cutubyada

  1. 1
  2. 2
  3. 3
  4. 4
  5. 5
  6. 6
  7. 7
  8. 8
  9. 9
  10. 10
  11. 11
  12. 12
  13. 13
  14. 14

Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Sekaryaah 5 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

Qorniinkii La Duubo Oo Duulaya

1. Oo haddana indhaha baan kor u taagay oo wax fiiriyey, oo waxaan arkay qorniin la duubo oo duulaya.

2. Oo isna wuxuu igu yidhi, War maxaad aragtaa? Oo anna waxaan ugu jawaabay, Waxaan arkaa qorniin la duubo oo duulaya, oo dhererkiisu waa labaatan dhudhun, ballaadhkiisuna waa labaatan dhudhun.

3. Markaasuu igu yidhi, Kanu waa habaarka soo baxay oo dhulka oo dhan kor maraya, waayo, ku alla kii wax xada waxaa lagu baabbi'in doonaa sida dhankiisan ku qoran, oo ku alla kii been ku dhaartana waxaa lagu baabbi'in doonaa sida dhankiisa kale ku qoran.

4. Oo Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Anigu waan soo bixin doonaa, oo wuxuu soo geli doonaa guriga tuugga, iyo guriga kan magacayga beenta ugu dhaarta, oo wuxuu iska joogi doonaa gurigiisa dhexdiisa, oo alwaaxdiisa iyo dhagaxyadiisaba wuu wada baabbi'in doonaa.

Naag Weel Ku Jirta

5. Markaasaa malaggii ila hadlay soo baxay, oo wuxuu igu yidhi, Bal hadda indhaha kor u taag, oo bal arag waxa uu yahay waxan soo baxaya.

6. Oo waxaan ku idhi, Waa maxay? Kolkaasuu igu yidhi, Kanu waa weel eefaah ah oo soo baxaya. Oo weliba wuxuu igu yidhi, Kanu waa muuqashadii dembigooda oo dhulka oo dhan gaadhay.

7. Oo bal eeg, waxaa kor loo qaaday wax culus oo laxaamad ah, oo waxaa jirtay naag eefaahda dhexdeeda fadhida.

8. Oo haddana wuxuu igu yidhi, Tanu waa xumaan. Kolkaasuu iyadii hoos ugu riday eefaahda dhexdeeda, oo wuxuu ku daboolay wixii cuslaa oo laxaamadda ahaa.

9. Oo markaasaan indhaha kor u taagay, oo intaan wax fiiriyey ayaan arkay laba naagood oo soo baxay, oo dabayshuna waa ku jirtay baalashooda. Iyagu waxay lahaayeen baalal u eg baalasha xuurta oo kale, oo iyana intay eefaahdii kor u qaadeen ayay meel dhulka iyo samada u dhaxaysa geeyeen.

10. Markaasaan malaggii ila hadlay ku idhi, Kuwanu xaggee bay eefaahda u qaadayaan?

11. Oo isaguna wuxuu igu yidhi, Waxay u qaadayaan inay guri iyada uga dhisaan dalka Shincaar, oo markii la diyaariyo ayaa iyada lagu dejin doonaa halkaas oo meesheeda ah.