Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Sefanyaah 2:1-4 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

1. Isa soo urursada, quruuntan aan xishoodka lahaynay, isa soo urursada,

2. intaan amarku soo bixin, oo aan maalintu u dhaafin sida xaab oo kale, intaan Rabbiga xanaaqiisa kululu idinku soo degin, intaan maalinta cadhada Rabbigu idinku soo degin.

3. Rabbiga doondoona, dhammaantiin kuwiinna camalka qabow ee dhulkow, oo xukunkiisa yeelayow, xaqnimo doondoona, oo qabownaan doondoona. Waxaa laga yaabaa inaad maalinta cadhada Rabbiga qarsoonaan doontaan.

4. Waayo, Gaasa waa la dayrin doonaa, oo Ashqeloonna waxay noqon doontaa meel cidla ah, oo dadka Ashdoodna waxaa la eryi doonaa hadh cad, Ceqroonna waa la rujin doonaa.

akhri dhamaystiran cutubka Sefanyaah 2