Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Samuu'eel Labaad 22:45-51 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

45. Oo shisheeyayaashu way isu kay dhiibi doonaan, Oo mar alla markay warkayga maqlaan way i addeeci doonaan.

46. Shisheeyayaashu way libdhi doonaan, Oo iyagoo gariiraya ayay qolalkooda ka soo bixi doonaan.

47. Rabbigu waa nool yahay; oo mahad waxaa leh dhagaxayga weyn; Oo ha sarreeyo Ilaaha ah dhagaxa weyn ee badbaadintayda;

48. Kaasoo ah Ilaaha aniga ii aarguda, Oo dadkana hoostayda ku soo tuura,

49. Oo wuxuu iga soo bixiyaa cadaawayaashayda; Haah, waxaad iga sara marisaa kuwa igu kaca; Oo waxaad iga samatabbixisaa ninka dulmiga badan.

50. Sidaas daraaddeed, Rabbiyow, anigu waxaan kuugu mahadnaqi doonaa quruumaha dhexdooda, Oo magacaaga ammaan baan ugu gabyi doonaa.

51. Rabbigu si weyn buu boqorkiisa u samatabbixiyaa, Oo wuxuu weligiis raxmad u sameeyaa kii uu subkaday, Kaasoo ah Daa'uud iyo farcankiisaba weligiis iyo weligiis.

akhri dhamaystiran cutubka Samuu'eel Labaad 22