Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Samuu'eel Labaad 19:3-11 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

3. Oo dadkiina maalintaas qarsoodi bay ku soo galeen magaaladii, sidii dad ceebaysanu ay u dhuuntaan markii ay dagaalka ka cararaan.

4. Markaasaa boqorkii hagoogtay, oo cod weyn buu ku qayliyey oo yidhi, Wiilkaygii Absaaloomow, Absaaloomow, wiilkaygiiyow, wiilkaygiiyow!

5. Markaasaa Yoo'aab boqorkii ugu yimid gurigiisii, oo ku yidhi, Maanta waxaad ceebaysay wejiyadii addoommadaada oo dhan, kuwaasoo maanta naftaada badbaadshay, iyo nafta wiilashaada iyo gabdhahaaga, iyo nafta naagahaaga, iyo nafta naagahaaga addoommaha ah;

6. oo weliba waxaad jeceshahay kuwa ku neceb, kuwa ku jecelna waad neceb tahay. Waayo, maanta waxaad caddaysay inaanay amiirro iyo addoommoba waxba kula ahayn, maxaa yeelay, maanta waxaan ogaaday, haddii Absaaloom noolaan lahaa, oo aan annagu kulligayo dhiman lahayn, inaad taas aad ugu farxi lahayd.

7. Haddaba saas daraaddeed kac, oo dibadda u bax, oo addoommadaada intaad la hadashid dhiiro geli; waayo, Rabbigaan ku dhaartaye, haddaadan dibadda u bixin, inaan ninna caawa kula joogayn; oo taasuna way kaaga sii xumaanaysaa kulli sharkii kugu dhacay tan iyo yaraantaadii.

8. Markaasaa boqorkii sara joogsaday, oo iriddii buu fadhiistay. Oo taasaa loo sheegay dadkii oo dhan, oo lagu yidhi, Bal eega, boqorkii iridduu fadhiyaaye, markaasaa dadkii oo dhammu boqorkii hor yimaadeen. Markii hore reer binu Israa'iil nin waluba wuxuu u cararay teendhadiisii.

9. Oo dadkii oo dhan iyo qabiilooyinkii reer binu Israa'iil oo dhammu way isla doodayeen, oo waxay islahaayeen, War boqorku wuxuu inaga samatabbixiyey cadaawayaasheenna, reer Falastiinna wuu inaga badbaadshay, oo haatanna wuxuu dalka uga cararay Absaaloom aawadiis.

10. Oo Absaaloomkii aynu u subkannay inuu inoo taliyana dagaalkii buu ku dhintay. Haddaba maxaad uga hadli weydeen si boqorka loo soo celiyo?

11. Markaasaa boqorkii u cid diray wadaaddadii ahaa Saadooq iyo Aabyaataar, oo wuxuu ku yidhi, Odayaasha dalka Yahuudah la hadla oo ku dhaha, Waxaa boqorka u yimid hadalkii reer binu Israa'iil oo dhan oo leh, Boqorka gurigiisa ha lagu soo celiyo, laakiinse maxaad idinku dadka uga hadheen si aad boqorka gurigiisii ugu soo celisaan?

akhri dhamaystiran cutubka Samuu'eel Labaad 19