Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Samuu'eel Kowaad 8:9-18 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

9. Haddaba sidaas daraaddeed bal codkooda dhegayso, habase yeeshee waa inaad aad ugu markhaati furtaa, oo waa inaad u sheegtaa boqorka xukumi doona siduu ahaan doono.

10. Oo Samuu'eelna wuxuu erayadii Rabbiga oo dhan u sheegay dadkii boqorka weyddiistay.

11. Markaasuu wuxuu ku yidhi, Boqorka idin xukumayaa wuxuu ahaanayaa sidan: wuxuu idinka qaadan doonaa wiilashiinna, oo wuxuu ka dhigan doonaa kuwa gaadhifardoodka u wada, iyo fardooleydiisa, oo iyana waxay hor ordi doonaan gaadhifardoodkiisa.

12. Haddana wuxuu iyaga ka dhigan doonaa saraakiil kun kun u sarreeya iyo saraakiil konton konton u sarreeya, oo qaarna beerihiisay u fali doonaan, oo u gooyn doonaan, oo waxay u samayn doonaan alaabta dagaalka, iyo alaabta gaadhifardoodkiisa.

13. Oo gabdhihiinnana wuu idinka qaadan doonaa oo wuxuu ka dhigan doonaa kuwo uunsiga sameeya, iyo kuwo cuntada kariya, iyo kuwo kibista duba.

14. Oo wuxuu idinka qaadan doonaa beerihiinna, iyo beerihiinna canabka ah, iyo beerihiinna saytuunka ah, iyo xataa meelaha ugu wada wanaagsan, oo wuxuu siin doonaa midiidinnadiisa.

15. Oo wuxuu idinka qaadan doonaa iniinihiinna toban meelood oo meel iyo beerihiinna canabka ah, markaasuu siin doonaa saraakiishiisa, iyo midiidinnadiisa.

16. Oo haddana wuxuu idinka qaadan doonaa raggiinna addoommada idiin ah, iyo gabdhaha addoommaha idiin ah, iyo dhallinyaradiinna ragga ugu wanaagsan, iyo dameerihiinna, markaasuu ku shaqaysan doonaa.

17. Oo wuxuu idinka qaadan doonaa adhigiinna toban meelood oo meel, oo idinna waxaad noqon doontaan addoommadiisa.

18. Oo maalintaas waxaad ka qaylin doontaan boqorkiinna aad idinku doorateen oo Rabbiguna idiin jawaabi maayo maalintaas.

akhri dhamaystiran cutubka Samuu'eel Kowaad 8