Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Samuu'eel Kowaad 31:9-13 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

9. Markaasay madaxii ka gooyeen, oo hubkiisiina way ka furteen, oo waxay u cid direen dalkii reer Falastiin oo ku wareegsanaa inay u wargeeyaan gurigii sanamyadooda iyo dadkiiba.

10. Oo hubkiisiina gurigii Cashtarod ayay dhigeen, meydkiisiina derbigii Beytshaan bay ku xidheen.

11. Oo dadkii Yaabeesh Gilecaad degganaa markay maqleen waxyaalihii ay reer Falastiin Saa'uul ku sameeyeen,

12. waxaa kacay raggii xoogga lahaa oo dhan, oo habeenkii oo dhan ayay sii guuraynayeen, markaasay Beytshaan derbigiisii ka soo qaadeen Saa'uul meydkiisii iyo meydadkii wiilashiisa, kolkaasay yimaadeen Yaabeesh, oo halkaasay ku gubeen.

13. Markaasay lafahoodii qaadeen oo ku aaseen geed Yaabeesh ku yiil hoostiisa, toddoba maalmoodna way soomeen.

akhri dhamaystiran cutubka Samuu'eel Kowaad 31