Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Samuu'eel Kowaad 31:6-13 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

6. Sidaas daraaddeed maalintaas waxaa wada dhintay Saa'uul, iyo saddexdiisii wiil, iyo kii hubka u siday, iyo raggiisii oo dhan.

7. Oo raggii reer binu Israa'iil oo dooxadii dhankeeda kale joogay, iyo kuwii Webi Urdun shishadiisa joogay, markay arkeen in raggii reer binu Israa'iil carareen oo Saa'uul iyo wiilashiisii ay dhinteen ayay magaalooyinkii ka tageen oo carareen; markaasaa reer Falastiin yimaadeen oo iska degeen.

8. Oo maalintii dambe markay reer Falastiin u yimaadeen inay dharka ka furtaan kuwii la dilay waxay heleen Saa'uul iyo saddexdiisii wiil oo Buur Gilboca ku dhintay.

9. Markaasay madaxii ka gooyeen, oo hubkiisiina way ka furteen, oo waxay u cid direen dalkii reer Falastiin oo ku wareegsanaa inay u wargeeyaan gurigii sanamyadooda iyo dadkiiba.

10. Oo hubkiisiina gurigii Cashtarod ayay dhigeen, meydkiisiina derbigii Beytshaan bay ku xidheen.

11. Oo dadkii Yaabeesh Gilecaad degganaa markay maqleen waxyaalihii ay reer Falastiin Saa'uul ku sameeyeen,

12. waxaa kacay raggii xoogga lahaa oo dhan, oo habeenkii oo dhan ayay sii guuraynayeen, markaasay Beytshaan derbigiisii ka soo qaadeen Saa'uul meydkiisii iyo meydadkii wiilashiisa, kolkaasay yimaadeen Yaabeesh, oo halkaasay ku gubeen.

13. Markaasay lafahoodii qaadeen oo ku aaseen geed Yaabeesh ku yiil hoostiisa, toddoba maalmoodna way soomeen.

akhri dhamaystiran cutubka Samuu'eel Kowaad 31