Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Samuu'eel Kowaad 30:5-14 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

5. Oo Daa'uud labadiisii naagood ee ahaa Axiinocam tii reer Yesreceel, iyo Abiigayil oo ahayd reer Karmel oo Naabaalna u dhaxdayba, waa lala tegey iyagoo maxaabiis ah.

6. Oo Daa'uudna aad buu u dhibtooday, waayo, dadku waxay ku wada hadleen inay dhagxiyaan, maxaa yeelay, dadkii wuxuu u wada calool xumaaday nin waluba wiilashiisii iyo gabdhihiisii, laakiinse Daa'uud wuxuu isku sii dhiirriyey Rabbiga Ilaahiisa ah.

7. Markaasaa Daa'uud wuxuu wadaadkii ahaa Aabyaataar ina Axiimeleg ku yidhi, Waan ku baryayaaye eefodka halkan iigu keen. Aabyaataarna eefodkii buu Daa'uud u keenay.

8. Markaasaa Daa'uud Rabbiga wax weyddiiyey, oo wuxuu yidhi, Miyaan eryadaa colkan, oo miyaan gaadhayaa? Oo Rabbiguna wuxuu ugu jawaabay, Haah, eryo, waayo, hubaal waad gaadhaysaa, oo intii lala tegey oo dhan waad soo celinaysaa.

9. Sidaas daraaddeed Daa'uud wuu tegey, isagii iyo lixdii boqol oo nin ee la jirtayba, oo waxay yimaadeen durdurkii Besoor, oo intii laga tegeyna halkaasay ku hadheen.

10. Laakiinse Daa'uud wuu eryaday, isagoo afar boqol oo nin wata; waayo, laba boqol ayaa dib u hadhay, kuwaasoo aad u daalay oo dhaafi kari waayay durdurkii Besoor.

11. Oo mid Masri ah ayay duurka ka heleen, oo waxay u keeneen Daa'uud, oo kibisna way siiyeen, wuuna cunay, oo biyo uu cabbona way siiyeen.

12. Oo waxay kaloo siiyeen fud yar oo berde ah, iyo laba rucubood oo sabiib ah; oo markuu cunay ayaa naftii ku soo noqotay, waayo, saddex maalmood iyo saddex habeen kibisna ma uu cunin, biyona ma uu cabbin.

13. Markaasaa Daa'uud wuxuu ku yidhi, War yaa ku leh? Oo xaggee baad ka timid? Isna wuxuu yidhi, Waxaan ahay nin dhallinyar oo Masri ah, oo addoon baan u ahay mid reer Camaaleq ah. Sayidkaygii baa iga tegey, maxaa yeelay, saddex maalmood ka hor ayaan bukooday.

14. Oo waxaannu soo dhacnay reer Kereetiim xaggooda Koonfureed, iyo dalka ay leeyihiin reer Yahuudah, iyo xagga Koonfureed oo reer Kaaleeb; oo Siiqlagna waan gubnay.

akhri dhamaystiran cutubka Samuu'eel Kowaad 30