Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Samuu'eel Kowaad 27:5-11 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

5. Kolkaasaa Daa'uud wuxuu Aakiish ku yidhi, Haddaba haddaad raalli iga tahay, magaalooyinka duurka ku yaal meel ha iga siiyeen, aan halkaas iska degee, waayo, bal anoo addoonkaaga ah maxaan magaalada reer boqor kuula degganahay?

6. Maalintaasaa Aakiish siiyey Siiqlag, oo sidaas aawadeed Siiqlag ilaa maanta waxaa iska leh boqorrada dalka Yahuudah.

7. Oo maalmihii Daa'uud joogay duurka reer Falastiin tiradoodu waxay ahayd sannad dhan iyo afar bilood.

8. Markaasaa Daa'uud iyo raggiisii u keceen inay weeraraan reer Geshuur, iyo reer Geser, iyo reer Camaaleq, waayo, quruumahaas ayaa waagii hore dalka degganaa, oo waxay degganaayeen ilaa Shuur iyo xataa tan iyo dalka Masar.

9. Markaasaa Daa'uud dalkii weeraray, oo nololna kuma uu dayn nin iyo naag toona, wuxuuna la tegey idihii, iyo dibidii, iyo dameerrihii, iyo geelii, iyo dharkii, dabadeedna wuu soo noqday, oo Aakiish u yimid.

10. Markaasaa Aakiish wuxuu ku yidhi, Yaad maanta soo dhacdeen? Oo Daa'uudna wuxuu yidhi, Waxaannu weerarnay xagga koonfureed oo dalka Yahuudah, iyo xagga koonfureed oo reer Yeraxme'eel iyo xagga koonfureed oo reer Qeyn.

11. Oo Daa'uudna nolol kuma uu dayn nin iyo naag toona, inuu Gad keeno aawadeed, waayo, wuxuu isyidhi, Waaba intaasoo ay inagu sheekaystaan oo yidhaahdaan, Daa'uud saasuu yeelay, caadadiisuna saasay ahayd intuu duurka reer Falastiin degganaa oo dhan.

akhri dhamaystiran cutubka Samuu'eel Kowaad 27