Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Samuu'eel Kowaad 22:13-23 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

13. Kolkaasaa Saa'uul ku yidhi, Maxaad iigu heshiiseen, adiga iyo ina Yesay, oo maxaad u siisay kibista iyo seefta, oo Ilaahna wax ugu weyddiisay si uu iigu kaco inuu i gaado sida maanta oo kale?

14. Markaasaa Axiimeleg wuxuu boqorkii ugu jawaabay, Bal yaa addoommadaada ka mid ah oo sida Daa'uud aamin u ah, kaasoo boqorku soddog u yahay, oo weliba shirkaaga ka qayb gala, oo reerkaagana sharaf ku leh?

15. Anigu ma maantaan bilaabay inaan isaga Ilaah wax u weyddiiyo? Taasu ha iga fogaato. Anigu waxan oo dhan waxba kama ogi wax yar iyo wax badan toona, haddaba, boqorow, anigoo addoonkaaga ah iyo reerka aabbahay oo dhanba waxba ha na saarin.

16. Markaasaa boqorkii wuxuu yidhi, Axiimelegow, hubaal waad dhimanaysaa adiga iyo reerka aabbahaa oo dhammuba.

17. Dabadeedna boqorkii wuxuu waardiyayaashii hareerihiisa taagnaa ku yidhi, Ku jeesta oo wadaaddada Rabbiga laaya, maxaa yeelay, gacantoodu Daa'uud bay la jirtaa, oo iyagoo og inuu baxsaday ayayan ii soo sheegin, laakiinse boqorka addoommadiisii way diideen inay gacantooda ku fidiyaan oo laayaan wadaaddadii Rabbiga.

18. Markaasaa boqorkii Do'eeg ku yidhi, Adigu ku jeeso oo wadaaddada laa. Do'eeggii reer Edomna wuu ku jeestay oo wadaaddadii laayay, oo maalintaas wuxuu laayay shan iyo siddeetan qof oo wada qaba eefod dhar wanaagsan laga sameeyey.

19. Oo magaaladii wadaaddada oo Nob ahaydna wixii joogay ayuu seef ku laayay. Rag iyo dumarba, iyo carruur iyo caanonuugba, iyo dibi iyo dameerro iyo idoba wuxuu ku wada laayay seef.

20. Oo waxaa ka baxsaday oo Daa'uud ka daba cararay mid ka mid ah wiilashii Axiimeleg ina Axiituub, magiciisana la odhan jiray Aabyaataar.

21. Markaasaa Aabyaataar wuxuu Daa'uud u sheegay in Saa'uul laayay wadaaddadii Rabbiga.

22. Kolkaasaa Daa'uud Aabyaataar ku yidhi, Maalintii Do'eeggii reer Edom halkaas joogay, waan garanayay inuu Saa'uul u sheegi doono. Dadkii reerka aabbahaa oo dhan anigaa dhimashada u soo jiiday.

23. Haddaba aniga ila joog oo ha cabsan, maxaa yeelay, kii naftayda doona ayaa naftaadana doonaya, waayo, ammaan waad igula joogi doontaa.

akhri dhamaystiran cutubka Samuu'eel Kowaad 22