Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Samuu'eel Kowaad 20:1-6 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

1. Markaasaa Daa'uud wuxuu ka cararay Naayood oo Raamaah ku taal, oo intuu Yoonaataan u yimid ayuu ku yidhi, War maxaan sameeyey? Oo dembigaygu waa maxay? Oo dembiga aan aabbahaa ku sameeyey ee uu naftayda u doonayaa waa maxay?

2. Oo isna wuxuu ku yidhi, Yaanay noqon, adigu dhiman maysid. Aabbahay wax yar iyo wax weyn toona ma sameeyo wixii uu daaha iiga qaaday mooyaane. Maxaa aabbahay waxaas oo kale iiga qarinaya? Saas ma aha.

3. Oo haddana Daa'uud wuu dhaartay oo yidhi, Aabbahaa aad buu u og yahay inaad raalli iga tahay; oo wuxuu isyidhaahdaa, Yuusan Yoonaataan tan ogaanin waaba intaasoo uu ka calool xumaadaaye; laakiinse sida runta ah, waxaan ku dhaartay Rabbiga noloshiisa iyo adiga naftaada inaan aniga iyo dhimasho waxba noo dhaxayn tallaabo mooyaane.

4. Markaasaa Yoonaataan wuxuu Daa'uud ku yidhi, Wax alla wixii naftaadu jeceshahayba waan kuu samayn doonaa.

5. Oo Daa'uudna Yoonaataan buu ku yidhi, Bal eeg, berrito bil baa dhalanaysa, oo waa inaanan ka baaqan inaan boqorka cunto ula fadhiisto, laakiinse i sii daa, aan tagee, oo aan ilaa maalinta saddexaad duurka ku dhuuntee.

6. Oo haddii aabbahaa i waayo, waxaad ku tidhaahdaa, Daa'uud aad buu fasax ii weyddiistay inuu magaaladiisii Beytlaxam ku ordo; waayo, ehelkiisii oo dhan ayaa halkaas ku bixinaya allabarigii sannadka.

akhri dhamaystiran cutubka Samuu'eel Kowaad 20