Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Samuu'eel Kowaad 14:42-52 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

42. Markaasaa Saa'uul wuxuu yidhi, Noo saami rida aniga iyo wiilkayga Yoonaataan. Dabadeedna saamigii wuxuu ku dhacay Yoonaataan.

43. Kolkaasaa Saa'uul wuxuu Yoonaataan ku yidhi, Bal ii sheeg waxaad samaysay. Oo Yoonaataan wuu u sheegay oo ku yidhi, Xaqiiqa in yar oo malab ah ayaan ku dhadhamiyey ushii gacanta iigu jirtay caaraddeedii; haddaba waa inaan dhintaa.

44. Markaasaa Saa'uul wuxuu ku yidhi, Ilaah saas iyo si ka sii daran ha sameeyo, waayo, Yoonaataan, hubaal waa inaad dhimataa.

45. Oo dadkii waxay Saa'uul ku yidhaahdeen, Yoonaataan oo badbaadadan weyn ku dhex sameeyey reer binu Israa'iil, ma inuu dhintaa? Yaanay noqon; Rabbiga noloshiisaan ku dhaarannay ee waa inaan tin keliya oo madaxiisu dhulka ku dhicin; waayo, isagu wuxuu maanta la shaqeeyey Ilaah. Sidaasay dadkii u samatabbixiyeen Yoonaataan inuusan dhiman.

46. Markaasaa Saa'uul wuxuu ka hadhay reer Falastiin raacdaysigoodii; oo reer Falastiinna meeshoodii bay tageen.

47. Oo markii Saa'uul qabsaday boqortooyada reer binu Israa'iil wuxuu la diriray kulli cadaawayaashiisii dhan kasta ka jiray, kuwaasoo ahaa reer Moo'aab, iyo reer Cammoon, iyo reer Edom, iyo boqorradii reer Soobaah, iyo reer Falastiin; oo meel kasta oo uu u jeestayba si xun buu ugu galay.

48. Oo isagu si xoog leh ayuu wax ku sameeyey, oo wuxuu laayay reer Siiqlag oo reer binu Israa'iilna wuxuu ka samatabbixiyey gacantii kuwii dhici jiray.

49. Haddaba Saa'uul wiilashiisii waxay ahaayeen Yoonaataan iyo Yishwii, iyo Melkiishuuca; oo labadiisii gabdhoodna magacyadoodii waxay ahaayeen Meerab iyo Miikaal; tii curadda ahayd magaceedu wuxuu ahaa Meerab, tii yaraydna magaceeda waxaa la odhan jiray Miikaal.

50. Oo naagtii Saa'uul magaceeduna wuxuu ahaa Axiino'am, oo waxay ahayd ina Axiimacas; oo sirkaalkii ciidankiisana magiciisu wuxuu ahaa Abneer, wuxuuna ahaa ina Neer, kaasoo ahaa Saa'uul adeerkiis.

51. Oo Qiishna wuxuu ahaa Saa'uul aabbihiis; oo Neer oo ahaa Abneer aabbihiis isna wuxuu ahaa ina Abii'eel.

52. Oo intii Saa'uul noolaa oo dhan dagaal kulul oo reer Falastiin ka gees ah ayaa jiray. Oo Saa'uulna markuu arko nin xoog leh, amase nin daran wuu qaadan jiray.

akhri dhamaystiran cutubka Samuu'eel Kowaad 14