6. Muuse iyo Haaruun waxay ka mid ahaayeen wadaaddadiisa, Samuu'eelna wuxuu ka mid ahaa kuwa magiciisa u yeedha, Iyagu waxay baryeen Rabbiga, oo isna wuu u jawaabay.
7. Wuxuu iyagii kala dhex hadlay tiirkii daruurta ahaa, Iyana waxay xajiyeen markhaatifurkiisii iyo qaynuunkii uu iyaga siiyey.
8. Rabbiyow Ilaahayagiiyow, waad u jawaabtay, Oo waxaad ahayd Ilaah iyaga cafiyey, In kastoo aad falimahoodii ka aargoosatay.
9. Rabbiga Ilaaheenna ah sarraysiiya, Oo isaga ku caabuda buurtiisa quduuska ah, Waayo, Rabbiga Ilaaheenna ahu waa quduus.