Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Sabuurradii 99:1-5 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

1. Rabbigu isagaa taliya, dadyowgu ha gariireen, Isagu wuxuu ku fadhiyaa keruubiimta, dhulku ha dhaqdhaqaaqo.

2. Rabbigu Siyoon dhexdeeda waa ku weyn yahay, Oo dadyowga oo dhanna wuu ka wada sarreeyaa.

3. Iyagu ha ammaaneen magacaaga weyn oo laga cabsado, Isagu waa quduus.

4. Oo weliba boqorka xooggiisu wuxuu jecel yahay garsoorid, Caddaalad baad adkaysaa, Garsoorid iyo xaqnimo baad u samaysaa reer Yacquub.

5. Rabbiga Ilaaheenna ah sarraysiiya, Oo meeshuu cagaha saartona ku sujuuda, Isagu waa quduus.

akhri dhamaystiran cutubka Sabuurradii 99