Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Sabuurradii 97:1-6 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

1. Rabbigu isagaa taliya, haddaba dhulku ha reyreeyo, Oo gasiiradaha badanuna ha wada farxeen.

2. Isaga waxaa ku wareegsan daruuro iyo gudcur, Oo carshigiisana waxaa aasaas u ah xaqnimo iyo garsoorid.

3. Waxaa hortiisa socda dab, Oo wuxuu wada gubaa cadaawayaashiisa ku wareegsan.

4. Hillaaciisii ayaa dunida iftiimiyey, Dhulkuna wuu arkay, wuuna gariiray.

5. Buurihii waxay Rabbiga hortiisa ugu dhalaaleen sidii shamac oo kale, Iyagoo hor jooga Sayidka dhulka oo dhan.

6. Samooyinku waxay sheegaan xaqnimadiisa, Oo dadyowga oo dhammuna waxay arkaan ammaantiisa.

akhri dhamaystiran cutubka Sabuurradii 97