Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Sabuurradii 96:3-7 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

3. Ammaantiisa quruumaha dhexdooda ka sheega, Oo shuqulkiisa yaabka badanna dadyowga oo dhan ka dhex sheega.

4. Waayo, Rabbigu waa weyn yahay, waana mudan yahay in aad loo ammaano. Isaga waa in laga cabsadaa in ka sii badan ilaahyada oo dhan.

5. Waayo, dadyowga ilaahyadooda oo dhammu waa sanamyo, Laakiinse Rabbigu isagaa sameeyey samooyinka.

6. Sharaf iyo haybaduba hortiisay yaalliin, Xoog iyo quruxuna meeshiisa quduuska ah ayay ku jiraan.

7. Dadka qolooyinkiisow, Rabbiga ammaana, Waxaad Rabbiga ka sheegtaan ammaan iyo xoog.

akhri dhamaystiran cutubka Sabuurradii 96