Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Sabuurradii 94:12-20 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

12. Rabbiyow, waxaa barakaysan ninkii aad edbiso, Oo aad sharcigaaga wax ka barto,

13. Si aad uga nasiso maalmaha belaayada Inta kan sharka lahaa godka loo qodayo.

14. Waayo, Rabbigu dadkiisa xoori maayo, Oo dhaxalkiisana dayrin maayo.

15. Waayo, garsooriddu waxay ku soo noqon doontaa xaqnimada, Oo inta qalbigoodu qumman yahay oo dhammuna way raaci doonaan.

16. Bal yaa ii kacaya oo sharfalayaasha iga hor joogsanaya? Oo yaa ii soo istaagaya oo xumaanfalayaasha iga celinaya?

17. Rabbigu haddaanu i caawin, Hadda naftaydu waxay joogi lahayd meesha aamusnaanta.

18. Markaan idhi, Rabbiyow, cagtaydu waa simbiriirixanaysaa, Waxaa kor ii qaadday naxariistaada.

19. Kolkay fikirro badan igu dhex jiraan Waxaa naftayda ka farxiya qalbiqaboojintaada.

20. Carshiga sharnimadu ma xidhiidh buu kula yeelanayaa, Kaasoo belaayo qaynuun ku qabanqaabiya?

akhri dhamaystiran cutubka Sabuurradii 94