Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Sabuurradii 94:1-8 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

1. Rabbiyow, Ilaaha aargudashada lahow, Ilaaha aargudashada lahow, soo iftiin.

2. Xaakinka dunidow, sara joogso, Oo kuwa kibray abaalkooda mari.

3. Rabbiyow, kuwa sharka lahu ilaa goormay, Kuwa sharka lahu ilaa goormay guulaysanayaan?

4. Way bulxamaan, oo kibir bay ku hadlaan, Oo xumaanfalayaasha oo dhammu way faanaan.

5. Rabbiyow, iyagu waxay burburiyaan dadkaaga, Oo dhaxalkaagay silciyaan.

6. Carmalka iyo shisheeyaha ayay laayaan, Oo agoontay nafta ka qaadaan.

7. Oo waxay isyidhaahdaan, Waxan Rabbigu ma arki doono, Oo Ilaaha reer Yacquubna kama fikiri doono.

8. Kuwiinna doqonnada ah oo dadka ku dhex jirow, fiirsada, Oo kuwiinna nacasyada ahow, goormaad caqli yeelanaysaan?

akhri dhamaystiran cutubka Sabuurradii 94